top of page
Search

Waxa aad samaynayso haddii aad qaaddocudurka coronavirus 2019 (COVID-19)

  • hnunow
  • Apr 14, 2020
  • 2 min read

Haddii aad qabto COVID-19 ama aad ka shakisan tahay inaad qaadday fayraska keena COVID-19, raac tilmaamaha hoose si aad gacan uga gaysato kahortagga cudurka inuu ku faafo dadka gurigaaga jooga ama bulshada.





Guriga joog marka laga tago inaad doonanayso daryeel caafimaad


Waa inaad yarayso hawlaha gurigaaga ka baxsan, marka laga tago inaad doonanayso daryeel caafimaad. Ha tagin shaqada, dugsiga, ama meelaha dadwaynaha. Iska ilaali isticmaalidda gaadiidka dadwaynaha, cid isla-raacidda, ama tagsiyada. Gooni uga bax dadka kale iyo xayawaanka gurigaaga jooga Dadka: Intii suurtogal ah, waa inaad joogto qol gaar ah oo ka gaar ah dadka kale ee gurigaaga jooga. Sidoo kale waa inaad isticmaasho xamaam gaar ah, hadduu jiro. Xayawaanka: Ha taaban xayawaanka la rabbaysto iyo kuwa kaleba markii aad xanuusan tahay. Fiiri COVID-19 iyo xayawaanka si aad u hesho macluumaad dheeraad ah. Hore ula sii hadal inta aad booqan dhakhtarkaaga Haddii aad leedahay ballan caafimaad, wac bixiyaha daryeelka caafimaad oo u sheeg inaad qabto ama laga yaabo inaad qabto COVID-19. Tani waxay ka caawin doontaa xafiiska bixiyaha daryeelka caafimaad inuu tallaabooyin qaado si uu uga ilaaliyo dadka kale inay cudurka qaadaan ama baylah u noqdaan. Xiro af-xir Waa inaad xirato af-xir markii aad dadka kale u dhawdahay (tusaale, aad qol la joogto ama gaadiid wada saaran tihiin) ama xayawaanka la rabbaysto iyo kahor inta aadan galin xafiiska bixiyaha daryeelka caafimaad. Haddii aadan awoodin inaad xirato af-xir (tusaale ahaan, sababtoo ah dhibaato neefsi ayuu kugu keenayaa), markaa waa in dadka aad wada deggan tihiin aydaan isku qol joogin, ama waa inay xirtaan weji-gashi haddii ay qolkaaga soo galayaan. Dabool qufaca iyo hindhisadaada Afkaaga iyo sankaaga ku dabool softi markii aad qufacayso ama hindhisayso. Ku tuur softiga la isticmaalay daasado qashin oo bac la galiyey; isla markiibana ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi ama ku nadiifi gacmahaaga nadiifiyaha gacmaha ee alkahoosha leh oo ah ugu yaraan 60-95% alkahool adigoo wada gaarsiinaya dhammaan gacmahaaga oo isku xoqaya ilaa aad dareento qallayl. Saabuun iyo biyaha waa in la isticmaalo haddii gacmuhu aad u uskag badan yihiin. Iska ilaali wadaagista shayada shakhsiga ah ee guryaha lagu isticmaalo Waa inaadan la wadaagin suxuunta, koobabka cabbitaanka, koobabka, weelka wax lagu cuno, tuwaalada, ama go’a sariirta dadka kale ama xayawaanka la rabbaysto ee gurigaaga. Isticmaalka shayadan kadib, waa in si dhammaystiran loogu dhaqo saabuun iyo biyo.

 
 
 

Recent Posts

See All

Comments


DR HUSSEIN NUNOW 

PUBLIC HEALTH

Practice Locations

𝐄𝐦𝐢𝐫𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥

𝐄𝐚𝐬𝐭𝐥𝐞𝐢𝐠𝐡 

𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢-𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚

 𝐡𝐧𝐮𝐧𝐨𝐰@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦 

𝐓𝐞𝐥: 𝟎𝟕𝟏𝟎𝟖𝟎𝟔𝟗𝟖𝟐

𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐚𝐩𝐩:+𝟒𝟒 𝟕𝟒𝟎𝟒 𝟓𝟎𝟔𝟗𝟒𝟒

© 2020 by DR HUSSEIN . Proudly created with Wix.com

bottom of page