top of page
Search

COVID-19 Talooyin Ka haayada caafimaadka ee dadweynaha

  • hnunow
  • Apr 14, 2020
  • 1 min read

COVID-19 Public Health Recommendations in Somali


Maarso 23 deeda, Guddoomiye Jay Inslee ayaa soo saaray amar dowladeed (Guriga joog, Caafimaad Qab). Baaqaas wuxuu sheegayaa in:

  • Degane kasta oo ku nool Washington waxaa laga rabaa inay guriga joogaan hadii aysan baahi degdeg ah qabin mooyee

  • Dhamaan shirarka loogu talagalay arrimaha bulshada, diinta iyo ujeeddooyinka madaddaalo waa mamnuuc.

  • Dhamaan ganacsiyada marka laga reebo ganacsatada muhiimka ah waa in la xiraa. Ganacsiyada ku shaqeyn kara teleefon ama ka shaqeyn kara guriga way sii socon karaan. Ganacsiyada lama huraanka ah waxaa ka mid ah dukaamada raashinka, farmashiiyada, bangiyada, xaruumaha caafimaadka, yutiilitida (sida biyaha iyo korontada), gaadiidka, xanaanada caruurta iyo waxii la mid ah.

Maxaa la oggol yahay

  • Dukaamaha Raashinka, cuntada laga dalbado maqaayadaha (adeegyada cunno gaarsiinta waa la oggol yahay)

  • Imaatinka ballamaha caafimaadka iyo tagista farmashiyaasha.

  • Lugaynta, orodka, bushkuleetiga iyo beeraha oo la beero.

  • Markaad banaanka u baxeyso waa inaad 6 fiidh u jirtaa dadka kale.

  • Aadista kaalinta shidaalka, bangiyada cuntada, dukaamada ku habboonka ah, bangiyada iyo dhar dhaqista

  • Sii wad shaqada haddii aad "ganacsiyo muhiim ah tahay"

Maxaa la ogolayn?

  • Kaqeybgalka nashaadaad kastoo oo madadaalo ah, hiwaayad ama naadiyo bulsho

  • Imaanshaha ama ciyaarista isboortiga iyo tabaabarka

  • Aadista xafladaha aroosyada ama aaska

  • Booqashada matxafyada, shaleemoyinka, matxafyada farshaxanka iyo lacag aruurinta

  • Aaditaanka riwaayadaha iyo dabbaaldegyada

  • Ka shaqeynta xarun jimicsi ama meel lagu jimicsodo

  • Aadista mehradada ciddiyaha, timo jaraha iyo kuwa tattooga

  • Aadida baararka ama wax ka cunista maqaayadaha (labadaba hawlo horeyba waa mamnuuc)

 
 
 

Recent Posts

See All

Komentarze


DR HUSSEIN NUNOW 

PUBLIC HEALTH

Practice Locations

𝐄𝐦𝐢𝐫𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥

𝐄𝐚𝐬𝐭𝐥𝐞𝐢𝐠𝐡 

𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢-𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚

 𝐡𝐧𝐮𝐧𝐨𝐰@𝐠𝐦𝐚𝐢𝐥.𝐜𝐨𝐦 

𝐓𝐞𝐥: 𝟎𝟕𝟏𝟎𝟖𝟎𝟔𝟗𝟖𝟐

𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐚𝐩𝐩:+𝟒𝟒 𝟕𝟒𝟎𝟒 𝟓𝟎𝟔𝟗𝟒𝟒

© 2020 by DR HUSSEIN . Proudly created with Wix.com

bottom of page